Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Bakool, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyeen duleedka degmada Xudur, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyo murtadiin ah oo ka tirsan maamul goboleedka Riddada Koonfur-galbeed.
Howlgalka qorsheysan ayaa sidii loogu talagalay u beegsaday maleeshiyada murtadiinta, waxaana inta la hubiyay ku dhintay 4 askari oo murtadiin ah, kuwaas oo qayb ka ahaa ciidankii Riddada ee weerarka mujaahidiinta la kulmay.
Waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu howlgalkan qorsheysan kusoo qaniimeysteen i;laa saddex qori oo AK47 ah iyo booshashkooda, waana mid ka mid ah weerarada habeen dheelmadka ah ee ay ciidamada mujaahidiintu ku beegsadaan saliibiyiinta duullaanka ah iyo maleeshiyada murtadiinta ee kaba-qaadka u ah kuffaartaasi.