Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan jabhadda Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Bay iyo Bakool waxay weerar xooggan oo aad loo qorsheeyay u dhigeen ciidamo ka tirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed xilli ay ku socdaalayeen deegaan dhaca duleedka magaalada Baydhaba ee wilaayada Bay iyo Bakool.
Weerarka oo noociisu ahaa jidgal waxay Mujaahidiintu u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo marayay deegaan lagu magacaabo Balabala oo kaabiga ku haya deegaanka Goofgaduud Buurey ee duleedka magaalada Baydhaba.
Ilo wareedyo masuul ah oo waxay xaqiijiyeen in weerarka jidgalka ah si wayn loogu laayay ciidamada maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed hub iyo agabyo kala duwanna lagu soo furtay.
Idaacadda Al-andalus ee ku hadasha afka xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay baahisay in weerarkaasi dhabbogalka ah lagu dilay ugu yaraan 9 askari oo murtadiin ah laguna dhaawacay 7 kale.
Xoguhu waxay intaasi ku darayaan in weerarkan lagu soo furtay 6 qori oo noocyada AK47 ah kuwaas oo goobta dagaalka ay kaga firxadeen maleeshiyaadka Ridada.
Weerarkan sida wayn loogu xasuuqay maleeshiyaadka maamulka Koonfur galbeed waxa uu kusoo beegmayaa saacado uun ka dib markii ay Mujaahidiintu weerar culus oo askar badan lagu laayay kula kalaheen saldhigga ciidamada dowladda Ridada federaalka ee deegaanka Sabiid ee duleedka Afgooye weerarka oo sababay in deegaanka Sabiid uu ku dhaco gacanta ciidamada shabaabul Mujaahidiin.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com