Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Jubbada hoose, ayaa saacadihii lasoo dhaafay fuliyay howlgal gaar ah, kaasi oo lagu khaarajiyay askari ka tirsanaa maleeshiyada maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland.
Howlgalkan gaarka ah waxay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Afmadoow, waxaana lagu dilay murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jray Jimcaalle Khaliif Wardheere oo ahaa askari ka tiranaa Booliska Riddada Jubaland.
Ciidamada mujaahidiinta ee howlgalkan qorsheysan fuliyay ayaa sidoo kale goobta kasoo qaniimeystay qori uu sitay murtadka la khaarajiyay, wuxuuna howlgalkan qayb ka yahay silsilado howlgallo ah oo ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab saacadihii lasoo dhaafay ku beegsadeen saliibiyiinta afrikaanta ah iyo maleeshiyada murtadiinta.