Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saaka oo Arbaco weerar cagmarin ah ku qaaday maleeshiyadii murtadiinta ee ku sugnaa magaalada Masaajid Cali-gaduud ee wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo Allaah fadligiis uu ka dhacay weerar dhowr jiho ah oo lagu beegsaday murtadiinta.
War kooban oo kasoo baxay mujaahidiinta ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada mujaahidiinta Allaah fadligiis dagaal ka dib ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Masaajid Cali Guduud ee Wilaayada Sh/dhexe, waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray maleeshiyadii Riddada iyo qaar kale oo maxaabiis ah.
Waxay ciidamada mujaahidiintu sii baacsanayaan oo ku daba jiraan firxadka maleeshiyada murtadiinta ee ka cararay magaalada Masaajid Cali-gaduud ee wilaayada Sh/dhexe, wixii soo kordhana waan soo gudbin doonnaa Insha’Allaah.