Wararka ka imaanaya wilaayada mudug ee dhacda bartamaha dalka soomaaliya waxey sheegayaan in saaka aroortii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab weerar culus kula jarmaadeen deegaanka Wisil oo ah deegaan hoostaga degmada Hobyo.
Weerarka ayaa lagu daahfuray camaliyad istish-haadiya ah waxeyna ciidamada Mujaahidiintu si toos ah u beegsadeen saldhiga deegaanka Wisil oo ay ku saganyihiin guutada 21-aad ee dowlada federaalka iyo kuwa galmudug.
Jugta camaliyadda Istish-haadiyada ayaa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo hoostaga degmada Hubyo. Waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dhowr jiha ka weerareen saldhiga iyo xarunta maamulka galmudug ee deegaankaas.
Lasoco Waxii Kusoo Kordha.
Calamada.com