Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya inuu dhacay weerar culus oo ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la beegsadeen askarta Kenya ee ku sugan dhulkaas.
Weerarka oo ku billowday qarax xoogan oo lala helay gaari ciidan oo ay saarnaayeen Askar Kenyaati ah, ayaa wuxuu markii dambe isku bedeley kamiin toos ah.
Kamiinka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Jabbi iyo Raamo ee gobolka Mandheera, waxaana uu socday kamiinka in muda ah.
Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray ciidamada Kenyaatiga, balse ilaa iyo imika lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee khasaarahaas.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba jibaartay howlgallada ay ku beegsaneyso askarta Kenya ee xooga ku heysta dhulka NFD, duulaanna ku jooga qeybo kamid ah Soomaaliya.