Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ka howlgala wilaayada Banaadir, ayaa waxay dagaal culus oo toos ah ku mireen xero ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta kaga suganyihiin degmda Kaxda ee magaalada Muqdisho, waxaana halkasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee dagaalkaasi la isku adeegsanayay ayaa si wayn looga maqlayay degmada Kaxda, waxayna wararka qaar sheegeen in la maqlayay jugta hub culus iyo mid fudud oo dagaalka la is dhaafsanayay.
Weerarkan lagu miray fariisinka ciidan ee murtadiintu kaga sugnaayeen degmada Kaxda, ayaa kusoo beegmaya xilli howlgal gaar ah oo ciidamada mujaahidiintu saacaadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho lagu khaarajiyay 4 murtadiin ah oo isugu jira saraakiil iyo maleeshiyaad, halka lagu dhaawacay sarkaal kale oo murtad ah.