Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku mireen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ah kaga suganyihiin deegaan hoostaga magaalada Baydhaba.
Weerarka ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, wuxuuna weerarku si gaar ah u beegsaday saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee deegaanka Barujeed ee hoostaga magaalada Baydhaba, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Weerarkan ayaa qayb ka ah howlgallada habeen dheelmadka ah ee ciidamada mujaahidiintu ku miraan saldhigyada ciidan ee maleeshiyaadka murtadiinta iyo ciidamada kuffaarta Afrikaanta ah ay kaga suganyihiin wilaayaadka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo dhulalka muslimiinta Laamu iyo NFD ee Kenya gumeysato.