Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey habeenkii xalay weerar qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Wiidho oo 28-KM u jira deegaanka Embekatoni ee gobalka Laamuu ee gudaha dalka kenya.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey howlgalkan qorsheysan ku dileen lix ruux oo gaala kenyaati ah kuwaasi uu ku jira gudoomiyihii dowladda kenya ee deegaanka Wiidho kaasi oo sidoo kale gurigiisii ay gubeen.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey sidoo kale dagaal ku qaadeen saldhiga ciidamada Kenya ee tuulada waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus ugu dambeyntiina askarta kenya saldhiga waxey isaga carareen.
Ciidamada Mujaahidiinta oo si buuxda gacanta ugu dhigay deegaanka Wiidho iyo saldhiga ciidanka kenya ee ku yaala duleedka deegaanka ayaa gubay gaari kooyal ah, Labo moota,keydkii raashiinka ee saldhiga, Waxeyna sidoo kale soo ganiimeysteen agabyo kala duwan oo kuwa ciidanka ah.
Maalmo ka hor ayey aheed markii qarax ka dhacay agagaarka deegaanka Kayunga lagu dilay inka badan 20 askari oo saliibiyiinta kenya ah.
Calamada.com