Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saaka weerar qorsheysan ku qaadeen xero ciidan oo maleeshiyaatka maamulka isku magacaabay Konfur Galbeed ay ka sameysteen degmada Qansaxdheere ee wilaayada Baay iyo Bakool.
Weerarkan waxa uu isugu jiray qarax iyo dagaal toos ah waxa uuna sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah soo gaartay maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Konfur Galbeed.
Inta la xaqiijiyay Mujaahidiintu waxey weerarkan ku dileen hal askari oo lagu magacaabi jiray Cali Mad yarow.
Sidoo kale waxaa weerarkan ku dhaawacmay Saddex askari oo Ridada ka tirsan kuwaas uu ku jira sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Xasan Eylow kaas oo la sheegay inuu dhaawaciisa culusyahay.
Weerarkan saaka ka dhacay degmada Qansaxdheere waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiintu weeraro saf mareen ah ay ku qaadeen saldhigyada Kufaarta iyo Murtadiinta ee deegaanada Afmadow, Jannaale, Calamada iyo Arbacow oo ka kala tirsan wilaayaatka Shabeelada hoose iyo Jubbooyinka.
Calamada.com