Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Jubbada hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen maleeshiyo murtadiin ah oo ku sugnaa deegaan u dhow xad-beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa sidii loogu talagalay u beegsaday xero maleeshiyaad murtadiinta ka tirsan ay kaga sugnaayeen agagaarka tuulada Oodow oo hoostagta deegaanka Kaambooni ee dhaca soohdin-beenaadka u dhaxaysa Jubbada hoose iyo Kenya.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan qorsheysan ku dhaawacmay laba askari oo murtadiin ah, kuwaas oo ku sugnaa goobta xerada ee lagu beegsaday maleeshiyada murtadiinta, waana mid ka mid ah howlgallada millatari ee ciidanka mujaahidiintu ku beegsanayaan saliibiyiinta iyo murtadiinta.
Si aad u hesho wararka deg degga ah la soco barteenna Telegram-ka. oo gujji linkigan ama👇👇