Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay weerar culus oo qarax ah la eegteen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta, waxaana qaraxaasi uu si gaar ah kaga dhacay duleedka degmada Afgooye.
Howlgalka qaraxa ah ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana lasoo wariyay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo murtadiinta lagu gaarsiiyay qaraxaasi barakeysan.
Sidoo kale waxaa howlgalkan lagu gubay gaari Cabdi Bile ah oo qori dhashiika ah uu saarnaa, waxaana xusid mudan in gaariga iyo qorigii saarnaa ee la qarxiyay ay murtadiinta goobta kaga carareen.
Isla Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaallo culus ku mireen xeryaha ciidamada Kuffaarta Afrikaanta ee degmooyinka Jannaale, Qoryooley iyo deegaanka Danow.