Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala gobolka Gaarsisam ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, waxay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidamada kufaarta Kenya kaga suganyihiin deegaanka Yumbis ee hoostaga degmada Faafi ee gobolka Gaarisa.
Dagaalka ayaa ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxana inta uu dagaalku socday ciidamada mujaahidiintu gubeen teendho ciidamada Kufaarta Kenya ugu dhex tiillay gudaha xerada, waxey sidoo kale ciidamada mujaahidiintu burbur xoogan u geysteen xarunta shirkada Safaaricom oo ah shirkad ay leedahay dowladda Saliibiyadda Kenya kuna dhex taalay xerada la weeraray.
Waxaa xusid mudan in dagaalka kaddib, ay xerada soo caga dhigatay diyaarad nooca kuwa qumaatiga u kaca ah ee Helicopter-ka ah, waxayna xeradaasi ka daabushay maydadka iyo dhaawacyada ciidamada Kufaarta Kenya.