Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay saaka oo Arbaco ah weerar culus oo jidgal ah u dhigeen maleeshiyo murtadiin ah oo ka baxay degmada Buurhakaba, kuwaas oo la gaarsiiyay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Weerarkan barakaysan waxaa Allaah fadligiis murtadiinta looga dilay 7 askari oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabi Jiray Kaarabiin, kaasi oo ahaa Abaanduulaha Ururka daraawiishta Koonfur-galbeed ee degmada Buurhakabo, waxa uu sarkaalkan caan ku ahaa dhibaateynta dadka muslimiinta ah.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu weerarkan dhabbagalka ah ku dhaawacmeen ilaa lix askari oo murtadiin ah, halka sidoo kalena mujaahidiintu soo qaniimeysteen gaari nooca kuwa ciidanka ah oo ay lahaayeen maleeshiyada Riddada.
Dhank Sh/hoose, Howlgal gaara oo ciidamo ka tirsan mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaanka Golweyn ayaa lagu dilay Bakar Xassan oo ahaa askari ka tirsan maleeshiyaadka Riddada.