Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey Weeraro kala duwan la beegsadeen Ciidamada Jabuuti ee duulaanka ku jooga qeybo ka mid ah Wilaayada Hiiraan ee Bartamaha Dalka Somalia.
Weerarkan oo isugu jira Qarax iyo Kamiin waxa uu ka dhacay Duleedka Degmada Jalalaqsi, Iyadoona Ciidamada Murtadiinta Jabuuti ee Weerarka lala beegsaday ay ka baxeen Degmada Jalalaqsi.
Weerarka Dhabba galka ah iyo Qaraxa ayaa ka dhacay Duleedka Degmada Jalalaqsi waxaana Ciidamada Jabuuti laga burburay Mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen, Waxeyna Wararka la helaya sheegayaan in Khasaaraha soo gaaray Jabuutiyaanka uu intaasi ka badanyahay.
Ciidamada Murtadiinta Jabuuti ee khasaaraha culus la gaarsiiyay ayaa dib ugu laabtay Degmada Jalalaqsi oo markii hore ay kasoo baxeen.
Weeraro kala duwan oo dhowr jeer Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka kala fuliyeen degmooyinka Jalalaqsi, Buulo Burte iyo Beledweyne oo ka wada tirsan Wilaayada Hiiraan waxey Dowladda Ridada Jabuuti ku weysay Saraakiil iyo askar fara badan oo Jabuutiyaan ah.
Calamada.com