Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka jihaada wilaayada Sh/dhexe waxay maanta oo Talaado ahayd weerar culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin deegaanka Cadaan-Laxeey ee hoos tagta degmada Ruunirgood.
Weerarka ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana inta la hubiyay lagu dilay ugu yaraan 5 askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay siddeed kale oo murtadiin ah.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidamada mujaahidiintu weerar kamiin ah la beegsadeen maleeshiyaaf murtadiin ah oo marayey duleedka deegaanka Yasooman ee bariga wilaayada Hiiraan, halkaas oo lagu dilay 3 askari oo murtadiin ah, halka lagu soo furtay qori iyo boosh, askari noolna gacanta mujaahidiinta uu kusoo dhacay.