Ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay kamiin culus u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku socdaalayay agagaarka deegaanka Busleey oo ah deegaan dhaca waddada xeebta ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.
Howlgalkan waxaa Allaah fadligiis lagu dilay hal askari oo murtad, kaasi oo ahaa sarkaal taliye Urur ah oo magaciisa lagu soo koobay Muxiyadiin, wuxuuuna ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Riddada ee ku sugnaa goobta uu kamiinku ka dhacay ee duleedka Busleey.
Weerarkan dhabba-galka ah ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada mujaahidiintu weerar qarax ah oo ay ka fuliyeen bar Control oo maleeshiyada Riddada kaga sugnaayeen degmada Buulo-burte ee wilaayada Hiiraan, lagu dilay laba sarkaal oo uu ku jiro sarkaalkii haystay bartaasi, halka sidoo kalena lagu dhaawacay lix kale oo murtadiin ah, kuwaas oo qaarkood ay ku suganyihiin xaalad liidata.