Iyadoo maalintii shanaad uu galay dagaalka culus ee ka socda bariga dhexe, ayaa wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in uu sii laba-laxaadsaday weerarka iyo weerar celinta ka dhex aloosan Maraykanka, Yahuudda iyo xulafadooda oo isku dhinac ah iyo dowladda Iiraan.
Ilaalada Kacaanka ee Iiraan waxay fiidkii xalay ku dhawaaqeen bilowga Wejiga 16-aad ee weerarrada, iyagoo sheegay inay tiro badan oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku fasaxeen Yahuudda iyo danaha Maraykanka ee gobolka.
Sidoo kale, isla xalay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ayaa weerar ku qaaday saldhiga Maraykanka ee Erbil, ee waqooyiga dalka Ciraaq. Waxa kale oo Maraykanku uu xalay baahiyey sawirrada askartiisii ku dhintay weerarrada Iiraan.
Geesta kale, Maraykanka iyo Sahaayinada ayaa xalay saq-barkii duqeymo culus ka geystay magaalada Urmiye ee dalka Iiraan. Waxa kale oo jira muuqaallo la baahiyay oo muujinaya waxyeello xooggan oo gaartay dhismayaal dawladeed, shacbi, iyo dukaamo ku yaalla Dahraan.
Qunsuliyada Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa saacado badan oo xalay ah gubanaysay, kadib markii lagu qarxiyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.
Dhanka kale Wargeyska Wall Street Journal ayaa ku warramay Mareykanka inuu isku diyaarinayo inuu taageero kooxo hubaysan oo ka soo horjeeda nidaamka gudaha Iiraan, oo Kurdi u badan.
Isla markii uu warkani soo baxay, ciidanka Iiraan waxay fuliyeen weerarro duqeyn ah oo ay u adeegsadeen 30 diyaaradood oo nooca is-qarxiya ah, kuwaas oo lagu beegsaday Kurdiyiin hubeysan oo ku sugan gobolka Kurdistan.