Ciidamada mujaahidiinta ee jamaacada nusratul islaam wal-muslimiin, waxay weeraro culus oo isugu jira dagaallo toos ah iyo kuwa dhabagal ah u dhigeen ciidamo ka kala tirsan dowladaha Riddada ee Maali iyo Burkiina Faaso.
Weerarka koowaad oo ahaa mid dhabbagal ah waxay mujaahidiinta Nusratul Islaam u dhigeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan murtadiinta Maali, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxayso deegaannada Fasu iyo Bayma ee gobolka Kays.
Mujaahidiintu waxay weerarka kamiinka ah ku dileen ugu yaraan shan askari oo murtadiin ah, waxay sidoo kale ku qaniimeysteen qaar ka mid ah qoryaha sida darandooriga u dhaca rassaas iyo agabyo kale, gaari nooca kuwa aanay xabbadu karin ayay sidoo kale mujaahidiintu weerarka ku gubeen.
Weerarka labaad oo ahaa dagaal toos ah, waxay ciidamada mujaahidiinta ee jamaacada Nusratul islaam ku beegsadeen fariisin ciidan oo ciidanka Riddada Burkiina Faaso kuleeyihiin tuulo lagu magacaabo Nookooy, waxay halkaas ku dileen ugu yaraan 9 askari oo murtadiin ah,waxayna soo qaniimeysteen tiro qoryo nooca fudud iyo agabyo kale.
Mu’assasada Al-zallaqah waxay faafisay sawirro muujinaya khasaaraha soo gaaray ciidanka dowladaha Maali iyo Burkiina Faaso, sida gaariga la gubay iyo gacanta lasoo qaniimeystay.