Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayaadka Jubbada hoose iyo Sh/dhexe, waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen howlgallo lagu dilay askar ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta, halka kuwa kalena lagu dhaawacay.
Weerarka 1-aad oo ahaa mid dhabbagal ah waxay ciidamada mujaahidiintu maanta ka fuliyeen agagaarka degmada Afmadoow, waxayna ku beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah, weerarkan waxaa lagu dilay hal askari oo murtad ah, halka mid kalena lagu dhaawacay, waxay sidoo kale mujaahidiintu soo qaniimeysteen gaari Sagsiik ah iyo qori AK47 ah.
Ilo wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in murtadka ku dhaawacmay weerarka dhabbagalka ah ee maanta ka dhacay duleedka Afmadoow lagu magacaabo Siyaad Sandheere, kaasi oo lacagaha baadda ah dadka ka aruurin jiray isaga oo dhibaato ba’an ku hayay dadka shacabka safarka ah iyo kuwa ku dhaqan Afmadoow, askariga dhintay ayaa isagana magaciisa lagu sheegay Cabdi-ganeey, wuxuu ka tirsanaa maleeshiyada dadka shacabka ah sida wayn u dhibi jiray.
Howlgalka labaad oo ahaa qarax, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen duleedka degmada Warsheekh ee Sh/dhexe, kaasi oo lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah oo lugeynayey, waxaana halkaas ku dhintay laba askari, halka mid kalana uu ku dhaawacmay.