Ciidamada Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen weeraro siyaabo kala duwan loogu beegsaday maleeshiyaadka dowladda federaalka, kuwaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad.
Weerarka koowaad waxa uu ka dhacay fariisin ay maleeshiyaadka nabad sugidda ee dowaldda Ridada ay ka samaysteen isgoyska Daallo degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaas ka dhahsay khasaare kala duwan.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay xaqiijyeen in dagaalka uu ahaa mid xooggan, laguna dilay hal askari oo murtad ah iyo dhaawaca mid kale.
Dhanka kale waxay ciidamada Mujaahidiinta weerar xooggan ku qaadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa Kantaroolka degmada Balcad ee wilaayada Sh/dhexe.
Inta la ogyahay dagaalkan waxaa ku dhintay hal askari oo murtad ah waxayna ciidamada shabaabul Mujaahidiin ee weerarka soo qaaday ay askariga murtadka ah kasii ghaniimeysteen qori iyo boosh.
Weerarradan ka kala dhacay wilaayaadka Banaadir iyo Sh/dhexe waxay kusoo beegmayaan xilli weerar madaafiic ay Mujaahidiintu ku garaaceen xarunta Villa Somalia ee looga arrimiyo dowaldda uu hoggaamiyo murtad Farmaajo, waxaana la xaqiijiyay in 7 madfac ay gudaha u galeen qasriga madaxtooyada illaa haddana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqayntaas.
Halkan Kaga Biir Boggeenna Cusub Ee Telegram-ka.
Calamada.com