Ciidamada guutada madaafiicda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay barqanimadii maanta weerar madaafiic ah ku qaadeen xero lagu tababaro maleeshiyaaada Riddada oo ku taalla degmada Deyniile ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana xeradan aad ugu dhowdahay garoonka diyaaradaha ee Deyniile.
Inta la hubo howlgalkan madaafiicda ah waxaa Allaah fadligiis lagu dilay 3 askari oo murtadiinta, 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen, Sidoo kale duqeyntu waxay sababtay inuu dab ka kaco qeyb ka mid ah xerada taas oo geysatay burbur xooggan.
Dhanka Baay, waxay ciidanka mujaahidiintu howlgal gaar ah oo maanta ka fuliyeen gudaha degmada Qansaxdheere, halkaas oo lagu dilay askari murtad ah, waxayna ciidamada mujaahidiintu soo qaniimeysteen qori iyo boosh uu sitay.