Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta kaga suganyihiin deegaanka Burjeed ee dhaca duleedka magaalada Baydhaba.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintusaacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana weerarkaasi lagu dhaawacay 4 askari oo murtadiin ah.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu ilaa laba qarax la beegsadeen bar control oo maleeshiyaadka Riddada u tiillay gudaha magaalada Beledweyne, waxaana jira khasaare kala duwan oo qaraxyadaasi kasoo gaaray murtadiinta.