Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku mireen saldhigyo ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta iyo ciidamada kuffaarta Xabashida ku leeyihiin qaybo ka mid ah gobolkaasi,
Weerarka koowaad oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku ekeeyeen saldhigga ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya kaga suganyihiin degmada Diinsoor, waxaana halkaa ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay weerareen xerada maleeshiuada murtadiinta ku leeyihiin Ceel-hindi oo ka tirsan degmada Qansaxdheere, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalka ayaa si wayn looga maqlayay xaafadaha degmadaasi.