Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro culus ku miray saldhigyo ciidan oo ciidamada kuffaarta Afrikaanta kaga suganyihiin degmooyin dhaca gobolka Sh/hoose.
Weerarka koowaad oo ahaa mid qorsheysan waxay ciidamada mujaahidiintu ku ekeeyeen saldhigga ciidanka Uganda ee kuffaarta ah kaga suganyihiin deegaanka Danow ee hoostaga degmada Qoryooley ee Sh/hoose, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Weerarka labaad waxay ciidamada mujaahidiintu ku mireen saldhig ciidan oo saliibiyiinta Yugaandha ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Amareeso ee hoostaga degmada Baraawe, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee dagaalka la isku adeegsanayay ayaa si wayn looga maqlayay deegaankaasi.