Iska hor’imaadyo xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada shabaabul Mujaahidiin iyo shisheeyaha dalka kusoo duulay waxay saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceen deegaanno ka tirsan koonfurta dalka Soomaaliya.
Dagaalka koowaad oo ahaa mid toos ah waxay ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Kenya ay ka samaysteen deegaanka Taabto ee jubbooyinka waxaana lasoo wariyay khasaare soo gaaray ciidamada Kenya.
Dagaal xooggan oo in muddo ah socday waxa uu halkaas ku dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta Al-shababaab iyo kuwa ciidanka kuffaarta waxaana jira xogo hoose oo tibaaxaya in ciidanka Kenya si xun loogu jabiyay dagaalka Taabto.
Howlgalka labaad waxay Mujaahidiintu ku beegsadeen saldhigga maleeshiyaadka dowladda Ridada ay ka samaysteen degaanka Yoontoy ee duleedka magaalada Kismaayo.
Dhanka kale waxaa sare usii kacay khasaaraha maleeshiyaadka dowladda Ridada ku gaaray weerar shalay ku qabsaday afaafka hore ee saldhigga degaanka Baarsanguuni dhimashadu waxay gaartay 8 askari oo uu ku jiro sarkaal sare dhaawacuna waa 8 kale.
Ciidamada shabaabul Mujaahidiin waxay sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay dagaal xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda federaalka ay ka samaysteen degmada Diinsoor ee wilaayada Bay iyo Bakool.
Dhanka wilaayada Mudugna waxay xogo dheeraad ah kasoo baxayaan qarax shalay ay Mujaahidiintu ku beedsadeen kolonyo uu la socday taliyaha ciidamada lugta ee murtadiinta General Biixi. waxayna iluhu sheegayaan in weerarkaas qaraxa ah lagu dilay 5 askari oo uu ku jiray xoghayihii Biixi iyo dhaawaca 6 kale.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com