Dagaalyahannada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen dagaallo toos ah oo lagu bartilmaameydsaday ciidamada xabashida Itoobiya iyo Yugaandha ee fariisinka ku leh qaybo ka mid ah koonfurta Somalia.
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca koonfurta Somalia ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay uu weerar culus la kulmay saldhigga ciidamada Xabashida ay ka deganyihiin deegaanka Awdiinle ee dhaca duleedka magaalada Baydhaba.
Khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa in xabashida uu kasoo gaaray dagaalka inkastoo aan number rasmi ah laga hayn dagaalka oo dhacay xilli habeen ah aawadeed.
Dhanka shabeellaha hoosena waxay dagaalyahannada Mujaahidiinta Al-shabaab saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan u weerareen saldhigyada ciidamada kuffaarta Yugandha ay ka samaysteen degmada Buula-mareer iyo deegaannada Arbacow iyo No.60 waxaana lasoo wariyay khasaare kala duwan oo weerarada ku gaaray shisheeyaha.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maalmihii u dambeeyay sare u qaaday weeraradooda jihaadiga ee ay ku baacsanayaan soo duuleyaasha saliibiyiinta iyo maleeshiyaadka kooxda Ridada Somalia kuwaasi oo Khasaare laxaad leh lagu gaarsiiyay cadowga.
Calamada.com
Asc walaal waa adan cusman kismayo jooga waan idiin ka mahad celinayaa sida aad muslimiinta ukaa fiseen aad baa umad santihiin