Weeraro kala duwan oo isugu jira Qaraxyo iyo Kamiin ayaa ka kala dhacay Qeybo ka mid ah Wilaayaatka Banaadir, Shabeelada Hoose Iyo Jubbooyinka.
Weerarka hore oo isugu jira Qarax iyo Kamiin waxa uu dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo kaasi oo lala beegsaday Ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka iyo Maleeshiyaatka Bangarafta ee Mareykanka uu tababartay.
Kolanyadan weerarka lala beegsaday ayaa ka baxay Saldhiga Maleeshiyaatka Murtadiinta ee Baar-sanguuni kuwaasi oo ku socdaalayay Wadada Dheer Laamiga ah.
Qaraxa iyo Kamiinka lala beegsaday ayaa sababay Khasaara kala duwan, Waxeyna ugu dambeyntii Kolanyada gudaha u galeen Magaalada Kismaayo.
Dhanka Muqdisho qarax culus ayaa lala beegsaday gaari Xamuul ah oo ay la socdeen Maleeshiyaat ka tirsan Dowladda Ridada kaasi oo dhacay Agagaarka Tarbuunka ee Degmada Hodan.
Inta la xaqiijiyay Qaraxan waxaa ku dhaawacmay Afar ka tirsan Maleeshiyaatka Dowladda Federaalka, Iyadoo burbur xoogan uu soo gaaray Gaariga Xamuulka.
Sidoo kale Qaraxyo ka kala dhacay Deegaanada Ceelasha Biyaha Iyo Warmaxan ee Wilaayada Shabeelada Hoose waxaa lagu gubay Labo Gaari oo kala ah Cabdi Bile iyo Booyad waxaa dhimasho iyo dhaawac qaraxyadan ku noqday askar ka tirsan Murtadiinta.
Calamada.com