Howlgal qarax ah oo ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gudaha degmada Baraawe ee wilaayada Sh/hoose ayaa lala eegtay gaari Qooqan ah oo ay la socdeen maleeshiyo ka tirsan murtadiinta.
Weerarka qaraxa ah ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, una beegsaday maleeshiyada Riddada ah ee ku sugnaa gudaha degmadaasi, waxaana jira oo lasoo wariyay in uu jiro khasaare qaraxaasi kasoo gaaray Riddada, iyadoo uu goobta ku gubtay gaarigii qaraxa lala beegsaday.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal kale oo qarax ah la eegteen maleyshiyo murtadiinta ka tirsan, kuwaas oo si gaar ah ugu sugnaa fariisin ciidan oo ay ku leeyihiin gudaha magaalada Beydhaba, khasaare soo gaaray murtadiinta ayaa jira.