Ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgallo kala duwan oo isugu jira qarax iyo dagaallo toos ah ku qaadeen saldhigyo ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ah kaga suganyihiin wilaayaadka Baay iyo Sh/hoose ee dhaca koonfurta Soomaaliya.
Howlgalka koowaad oo noociisu qarax yahay waxay ciidamada mujaahidiintu ku weerareen saldhigga maleeshiyada Booliiska Riddada ee degmada Bardaale ee wilaayada Baay, waxaana howlgalkaas Allah fadligiis ku dhaawacmay ugu yaraan hal askari oo murtad ah, kaasi oo dhaawiciisu yahay mid garaab ah.
Isla Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku mireen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ah kaga suganyihiin degmada Buurhakaba, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu weeraro qorsheysan ku mireen saldhigyada ciidamada kuffaarta Yugaandha iyo kuwa murtadiinta ee degmada Qoryooley, lama soo werin haddii uu jiro khasaare nafeed iyo inkale, maadaama weeraradu dhaceen xilli habeen ah.