Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala Bakool, waxay howlgal gaar ah ka fuliyeen afaafka hore ee degmada Waajid, halkaas oo ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadeen maleeshiyo ashahaada la dirir ah oo ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Howlgalkan barakaysan waxaa Allaah fadligiis inta la xaqiijiyay lagu dhaawacay ilaa saddex murtad oo mid ka mid ah uu yahay sarkaal taliye Unug ah, waxaana uu howlgalku kusoo idlaaday sidii loo qorsheeyay.
Isla Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaadeen saldhigyo ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare soo gaaray Riddada.