Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo isugu jiray kammiin iyo dagaallo toos ah oo markale ciidanka mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta ku dhexmaray nawaaxiga deegaanka Baarsanguuni ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee wilaayada Jubbada hoose.
Weerarka dhabbagalka ah iyo dagaallada tooska ah waxay u dhaceen sidii loo qorsheeyay, waxaana Allaah fadligiis inta la hubiyay weeraradaasi lagu dhaawacay ilaa saddex askari oo murtadiin ah.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay howlgal culus oo qarax ah saacadihii lasoo dhaafau ka fuliyeen gudaha degmada Jalalaqsi ee wilaayada Hiiraan, kaasoo lala eegtay bar Control oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Riddada, waxaana ku dhaawacmay howlgalkaasi laba askari oo murtadiin ah.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Buurhakabo ee wilaayada Baay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.