Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay fal dil ah oo loo gaystay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah wadeyaasha mootooyinka ka howlgala magaaladaasi.
Dilkan ayaa lasoo wariyay in uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Naaso-Hablood ee magaalada Garoowe, wiilka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Khadar Cabdi Yuusuf Nuur, oo wade ka ahaa mooto Bajaaj.
Si rasmi ah looga oga cidda dishay wiilkan dhalinyarada ah ee ka mid ahaa wadeyaasha mooto bajaajta, wallow wararka qaar ay sheegayaan in kooxo burcad ah ay ka dambeeyeen dilka, waxaana dhacdan ay hadal-hayn wayn ka dhalisay magaalada Garoowe, dilka ayaa lasoo wariyay in loo adeegsaday toorrey.
Ehellada wiilka dhalinyarada ee la dilay, ayaa waxay si caro leh uga hadleen dhacdadan, waxayna sheegeen in kiisaskan uu ka mid yahay kuwa xiriir ah oo kusoo badanaya magaalada laguna beegsanayo dadka rayidka ah.
Maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland oo dareemay culayska dadka sida wayn uga warceliyay falkan ayaa soo saaray qoraal kooban, kaasi oo uu ku sheegay inay wadaan baaritaanno ku aaddan kiiska, sidoo kalena gacanta kusoo dhigeen xubno ay sheegeen inay ku tuhusan yihiin in dhacdadaasi ay ka dambeeyeen.
Dhacdadan lagu dilay wiilka dhalinyarada ah ayaa ah mid uu mugdi badan ku jiro, horay sidan oo kale dilal ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa ku lug yeeshay maleeshiyada maamulka Riddada Puntland, dhanka kale waxay dhacdadan kusoo beegmaysaa xilli muddooyinkii u dambeeyay magaaladaasi ay kusoo badanayeen falalka kufsiga ah ee loo gaysanayo ragga iyo dumurka.