Tan iyo wixii ka dambeeyey markii kuffaarta caalamku ay joojiyeen inta badan dhaqaalihii ay ku bixin jireen hawl-galka AUSSOM, waxaa sii xoogaysanaaya welwelka iyo walaaca hareeyey calooshodod-u-shaqaystayaasha Afrikaanta ah ee loosoo wakiishay duullaanka saliibiga ah ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya.
K24 TV, oo ah Telefishan laga leeyahay dalka Kenya ayaa warbixin uu ku baahiyey mareegta uu ku leeyahay bartiisa Internetka, wuxuu kaga hadlay saamaynta ay dhaqaale la’aantu ku yeelatay ciidamada Kenya gaar ahaan iyo guud ahaan ciidamada Afrikaanta AUSSOM.
Waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ay la daalaa-dhacayaan saameynta ay ku yeelatay hoosu-dhaca ku yimid dhaqaalihii lagu siin jiray duullaanka Soomaaliya, isla markaana uu xaalad halis gelinayo ciidamada Afrikaanta ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Telefishanku wuxuu ka sanqariyey in Taliye-ku-xigeenka ciidamada Kenya murtadka lagu magacaabo Maxamed Xassan uu si cad u sheegay in hoosu-dhaca dhaqaale ay saamayn toos ah ku yeelatay hawl-galladoodii dhulka, waxaanu carabaabay in ciidamaduna ay haatan tabar-gabeen oo aanay sii wadi karin duullaanka Soomaaliya.
Hoos-u-dhaca taageerada dhaqaale, gaar ahaan tan ka timaadda waddamada reer-galbeedka, ayuu telefishanku xusay in ay sababtay caqabado dhinaca sahayda ah, iyo dib u dhac ku yimaadda beddelaadda ciidamada, iyo sidoo kale agabyada muhiimka ah oo aad u yaraaday sida shidaalka, qalabka caafimaadka, iyo qalabka isgaarsiinta.
Warbixintu waxay hoosta ka xariiqday in caqabadahan dhaqaale sababi karaan in macatableyda AUSSOM laga fara-maroojiyo meelihii koobnaa ee ay kaga sugnaayeen Soomaaliya, amaba ay abuuri karaan farqi amni oo ay ka faa’iidaystaan Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Telefishanka K24 TV isagoo sii wata warbixintiisan, ayuu ka dhawaajiyey in dhibaatadan dhaqaale ay si toos ah u wiiqayso ciidamada Kenya, iyo sidoo kale calooshood-u-shaqaystayaasha kale ee qaybta ka ah hawl-galka macatab-ku-dirirka ah ee isbahaysiga AUSSOM.
Haddii farqiga dhaqaale uu sidan sii ahaato, waxa halis ku jira ayay tiri warbixintu in gebi ahaanba uu burburo nidaamkii kooxda Riddada Soomaaliya ee sanadada badan ay Kuffaarta caalamku ku dedaalaysay inay ka hir-geliyaan gayiga Soomaaliya.
Gunaanadkii, warbixintu waxay tilmaantay in hawl-galkan ay Kenya qaybta tahay ee isbahaysiga AUSSOM uu haadaan ka lusho, waxaana ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha ku adkaan doonta ayay tiri inay kusii adkaystaan dhufaysyada ay haatan ku jiraan iyo inay iska difaacaan weerarrada kaga imaanaya Mujaahidiinta Al-Shabaab.