Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Wilaayada Mudug ee bartamaha dalka Somalia ka fuliyeen howlgal qorsheysan.
Howlgalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay dhanka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo uu ka arimiyo maamulka gaala raaca isku magacaabay Puntland.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgalkan ku dilay Madaxii Hey’adda Nabad sugid gobalka Mudug ee maamulka Puntland Murtadkaasi oo lagu magacaabi jiray Xaashi Cilmi Geelle.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey dhowr jeer howlgalo ay ka kala fuliyeen magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso ku kala dileen saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.
Halkan Ka Dhageyso Barnaamijka Caalamulyowm.
Halkan Ka Booqo Bogga Calamada Ee Telegram-ka.
Calamada.com