Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xabaal wadareed Cusub OO Laga Helay Koonfurta Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Xabaal wadareed Cusub OO Laga Helay Koonfurta Itoobiya.

December 6, 2022

Ciidamada Millatariga xabashida ayaa lagu eedeeyay xadgudbyo ciidan oo ay kula kaceen dad badan oo kasoo jeeda qowmiyadda Tigray-ga, ka dib xasuuq b’an oo ay ka gaysteen xabsiyo kuyaal koonfurta waddanka Itoobiya.

Wargayska Washington Post oo kasoo baxa waddanka Maraykanka ayaa maqaal uu qoray ku iftiimiyay xasuuq ay ku kaceen ciidamada dowlada Itoobiya inta lagu guda jiro gulufka millatari ee xabashida ka wado waqooyiga waddanka.

Xasuuqaan ayaa si gaar ah u naafeeyay 83 qof oo maxaabiis Tigray ah oo ku xirnaa degmada Mirab Abaya oo ka mid ah degmooyinka dhaca gobolka koonfureed ee waddanka Itoobiya, waxaana xasuuqan si gaar ah loogu eedeeyay ciidamada ilaalada maxaabiista.

Wargayskan oo soo xiganaya goobjoogeyaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in dhowr iyo toban askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada xabsiyada ee xukuumadda uu fadhigeedu yahay Addis ababa ay xasuuqan isir sifaynta gaysteen taariikhdu markay ku beegnayd 21-kii November sannadii 2021-kii, kolkaas oo maxaabiista Tigray-ga lagu eedeeyay inay ahaayeen maxaabiis dagaal, wallow ay taasi goobjoogeyaashu beeniyeen.

Ilo wareedyada deegaan ee uu soo xigtay wargayskan ayaa sidoo kale sheegay in maxaabiis dhowr ah oo ka cararay xabsiga ay ciidanka Itoobiya ku fasaxeen dadka deegaanka si ay u xasuuqaan, iyagoo dadka u sheegay in maxaabiista baxsadka ka ah ilaalada ay yihiin maxaabiis dagaal oo jariimooyin kula kacay dadka deegaanka.

Xabaal wareed wayn ayaa laga helay darbiga xabsiga taas oo sida la sheegay lagu aasay dhammaan maxaabiistii lagu laayay gudaha iyo dibadda xabsiga sida uu soo sheegay qof goobjooge ah. “Waxa la isu dulsaaray sidii qoryo oo kale,” waxa sidaas wargays Washington Post ku yiri qof goobjooge ah.

Ciidamada millatariga Itoobiya ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay xadgudubyo ciidan oo ay kula kaceen dadka Tigray-ga waxaana badi xasuuqyada ku kacaya ciidanka Millatariga ee kasoo jeeda qowmiyadda Axmaarada.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -12-05-1444-Hijri
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -12-5-1444-Hijri.

Related Stories

Weerar 7 Askari Lagu Dilay Oo Caawa Ka Dhacay Garasbaalley, Duleedka Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Weerar 7 Askari Lagu Dilay Oo Caawa Ka Dhacay Garasbaalley, Duleedka Muqdisho.

January 15, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-07-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-07-1447-Hijri

January 15, 2026
Dab Khasaare Baaxad Leh Gaystay Oo Ka Kacay Suuq Kuyaal Buurhakaba.
  • Allposts
  • Warar

Dab Khasaare Baaxad Leh Gaystay Oo Ka Kacay Suuq Kuyaal Buurhakaba.

January 15, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada