Maydadka ugu yaraan 21 ruux oo la sheegay inay ahaayeen tahriibeyaal Afrikaan ah ayaa laga helay xabaal-wadareedyo ku yaal magaalada Ajdaabiya ee bariga dalka Liibiya.
Xabaal-wadareedyadan ayaa la ogaaday kadib markii baaritaan lagu sameeyey beer u dhow magaalada Ajdaabiya oo la sheegay in lagu haystay tahriibeyaal ka yimid wadamada ka hooseeya saxaraha Afrika.
Ugu yaraan 10 qof oo xaaladdoodu aad u liidato ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyey beerta, kuwaas oo la xaqiijiyey jir-dil xooggan oo ka muuqday oogadooda sare.
Tahriibeyaashan lasoo badbaadiyay oo isugu jiray rag, dumar iyo carruur, ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka, waxayna sheegeen in la la’yahay tahriibeyaal kale oo la socday.
Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in milkiilihii beerta xabsiga loo taxaabay, isla markaana uu qirtay in xabaal-wadareedyo ay ku yaallaan beertiisa.
Liibiya ayaa muddo dheer ahayd marinka ugu weyn ee ay ka gudbaan tahriibayaasha Afrikaanta oo Soomaalidu ay ka mid tahay, kuwaas oo in badan oo ka mid ah ay ku le’deen badweynta Mediterranean-ka.