Iyada uu maalinkii labaad uu galay heshiiska xabadjoojinta ee udhaxeeya dowlada Maraykanka iyo Iiraan, ayaa dagaallo fool ka fool ah iyo duqeymo laga soo warinayaa wadanka Lubanaan.
Maalinimadii shalay diyaaradaha dagaalka maamulka Yahuuda ayaa duqeymo aan loo mel dayin ka geestay magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkaasi.
Magaalada Bayruud ayaa kamid ah goobaha duqeymaha xoogan ay ka dhaceen waxuuna taliska ciidanka yahuuda uu sheegay in ay beegsadeen ahdaaf ciidan.
Inkabadan 1400 ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeymahaasi iyadoo guud ahaan cisbitaallada magaalooyinka waaweyn ee Lubnaan ay daadsanyihiin dhaawacyada.
Dowlada Iiraan ayaa tallabadaani ku tilmaamtay mid lagu jabinayo heshiiska, waxaana maanta lasoo warunayaa khilaaf xoogan oo udhaxeya Dahraan iyo Wanshinton oo ku aadan xiisada Lubnaan .
Ururka Xisbullaah ayaa isagana weeraro ku qaaday deegaanada Yahuuda ixtilaalka ku haystaan sida man diqada Al-Jaliil oo laga maqlayay dhawaqa digniinta bixiya.
Dagaallo fool ka fol ah ayaa sidookale dhinacyada ku dhaxmaraya xuduuda iyadoo la beegsaday gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidanka gumaystaha Yahuudda.