Maxkamadda Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa fulisay Xad Ka mid ah Xuduuda Allaah kaasi oo lagu fuliyay Nin Saaxir ah sidoo kalane Kufsi u geystay Gabar uu Dhalay.
Ibraahim Mucalim Cabdullaahi oo lagu heley Fal saaxirnimo ah iyo Fal Zino ah isagoona si bareer ah u kufsaday Gabar uu dhalay oo isaga uu Aabo u yahay.
Fagaare weyn oo ku yaala degmada Saakow ee Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayuu ka dhacay Xukunka, Waxaa Goobta Fagaaraha soo Xaadiray Bulshada ku dhaqan Degmadaasi.
Qaadiga Maxkamada ayaa goobta Fagaaraha ka aqriyay Xukunka Dilka ah ee Maxkamadda Islaamiga ku xukuntay Ninkan Saaxirka ah Islamarkaana Labo Jeer Kufsaday Gabar uu dhalay.
FG-ah Maqalka Warbixinta Xukunka U Doono Warka Subax Ee Andalus.
Calamada.com