War kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu beeniyey hadalkii kasoo yeeray hay’ada sirdoonka DFS ee ahaa in Xarakadu ay ka dambeeysay afduubkii iyo dilkii lagula kacay Ikraan Tahliil oo ahayd Sarkaalad u shaqeyneysay hay’adda NISA.
War kasoo baxay Jihaaska amniga ee Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Xarakadu aysan ka dambeeynin dilka gabadhaas wax shaqo ahna ku lahayn dilka iyo afduubka lagula kacay intaba.
“Kama dammbeynmo waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysa hay’adda NISA, la yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada ridada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay” sidaas waxaa yiri mas’uul u hadlay Jihaazka amniga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Anagu waan beegsanaa madaxda iyo saraakiisha hay’adda sirdoonka ashahaadda ladirirka ah oo bartilmaameed ayey inoo yihiin waana sheegannaa dilkooda oo cid aan uga heebeysano ma jirto laakiin gabadhaas afduubkeeda iyo dilkeeda wax shaqo ah oo aan ku leenahay ma jirto”.
Hay’adan NISA ayuu sheegay in ay tahay mid u shaqeysa gaalada oo ay hoggaanka u hayaan dabadhilifyo danleey ah oo diin iyo dadnimo midna aan dhowraneynin.
“Haddii shaley dadka muslimiinta ay raafayeen oo xabsiyada ka buuxinayeen, qaarna si bareera u dilayeen, maantana waxaad aragtaan in xitaa kuwii iyaga dad ugu dhawaa ee u shaqeynayey ay kusoo jeesteen oo inta afduubtaan dilaan hadana ehelladii dadkaas ku jeesjeesaan. Dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay ubadkiina ka ilaaliya inay u shaqeeyaan maamulada noocaas ah” ayuu yiri.
Hadalkan kasoo yeeray Xarakada Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli warbaahinta Soomaalida ayaa xaley illaa maanta ay si weyn u hadal heysay kiiska gabadh lagu magacaabo Ikraan Tahliil oo ahayd sarkaalad u shaqeyneysay sirdoonka DFS oo bilooyin ka hor saraakiil katirsan hay’adda NISA ka ka wateen gurigeeda oo ku yaalla Muqdisho, muddo kadibna ay hay’adu sheegtay in ay dileen Al-Shabaab, arrintaas oo dad badan oo Soomaali ah ku noqotay la yaab iyo amakaag.
Isla NISA ayaa ka dambaysay oo cidna daah kama saarna
waa ruun masha alaah
asc