Isagoo khudbad ka jeedinayey furitaanka kalfadhiga Baarlaamka Riddada ayuu ka hadlay murtad Xassan Gurguurte khilaafka u dhaxeeya isaga iyo mucaaradka kasoo horjeeda.
Gurguurte ayaa ku eedeeyey mucaardka inay ka shaqeeynayaan qalalaaso uu dalkan galo, isagoona sheegay inay arrintaasi ku raadinayaan xil siyaasadeed.
Hadalka Gurguurte ayaa imaanaya xilli uu wali taagan khilaafka u dhaxeeya kooxda Riddada iyo mucaaradka kasoo horjeeda, xilli toddobaadkii lasoo dhaafay iska hor’imaad u dhaxeeyey mucaaradka iyo maleeshiyaadka Riddada uu ka dhacay Muqdisho.
Mucaaradka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay qaban doonaan bannaanbax looga soo horjeedo Gurguurte iyo dhulboobka uu ka wado Muqdisho, kaasi oo noqday mid xargaha goosatay.
Dhexdhaxaadin ay sameeyeen siyaasiyiin iyo xildhibaanno ayaa lagu baajiyey mudaaharaadyo ka dhan ah Xassan Gurguurte oo lagu waday inay toddobaadkaan ka dhacaan Muqdisho, taas oo keentay xiisad dagaal oo labada dhinac dhexmartay.