Murtad Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Kooxda Riddada Soomaaliya ayaa isaga oo jeedinayay khudbad waxa uu weerar afka ah ku qaaday siyaasyiinta mucaaradka ee xurugufta kala dhaxayso.
Murtad Gurguurte ayaa ayaa soo hadal qaaday weerarkii ka dhacay saldhigga Wardhiigley kaddib markii kooxaha mucaaradka iyo maleeshiyaadka murtadiinta ay ku dagaallameen labo toddobaad ka hor.
Siyaasyinta mucaaradka Riddada ayuu dusha u saaray wixii ka dhacay halkaasi, isagoo ku tilmaamay fal fool xun oo suurad xun ka bixinaya nidaamkooda.
Dhanka kale murtad Gurguurte ayaa khubaddiisa kusoo hadal qaaday hub ay wataan siyaasyiinta mucaaradka Riddada, isaga oo amar ku bixiyay in gaadiidka hubka waaweyn ku rakibanyihiin aan magaalada lagu dhax wadan karin.
Hadalkan kasoo yeeray madaxweynaha Ridsada ayaa kusoo beegmaya iyadoo muddooyinkii dambe ay sii kordhayeen khilaafka kala dhaxeeya siyaasyiinta mucaaradka ah, labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii magaalada Muqdisho martigalisay iska hor’imaadyo dhexmaray dhinacyadan, halkaas oo ay maleeshiyaad isaga dileen gaadiidna isaga gubeen.