Murtad Xassan Gurguurte oo ah madaxa kooxda Riddada Soomaaliya ayaa waraysi uu bixiyay kaga hadlay aqoonsigii Yuhuuddu siiyeen maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland isagoo ku sheegay mid aan sinaba suurtogal u ahayn.
Xasan Sheekh ayaa geesta kale sheegay in uu Yuhuudda u aqoonsan yahay dowlad madax bannaan oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo awood leh lagana yaabo in ay xiriir la sameeyaan mustaqbalka dhow.
” Waxaan ognahay in israaiil ay tahay dowlad xubin ka ah ururka Qaramada Midoobey, hadda wax xiriir ah lama lihin, balse waaa laga yaabaa in berri aan xiriir la yeelanno” ayuu yiri murtad Gurguurte.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu murtad Xassan Gurguurte sheegay in maamullada Somaliland iyo Yahuudda ay ku heshiiyeen in qoxootiga reer Falastiin la dejiyo Waqooyiga Soomaaliya, taasna ay ku ogaadeen xogo ay helayaan.
Murtad Xasan Sheekh hadalkiisan ayaa u muuqda mid xilli dhow uu heshiis kula geli karo maamulka Yuhuudda tanina waxay shacabka Soomaaliyeed xasuusinaysaa MoU-gii Itoobiyo la gashey Somaliland oo markii hore kooxdaasi si weyn uga soo horjeesatay laakiin kusoo gabo gaboobay in murtad Gurguurte uu deked Koonfurta uga oggolaado Itoobiya.