Hadal uu goob fagaarro ah ka jeediyey murtad Gurguurte ayuu weerar afka ah ku qaaday mucaaradka ee shirka ku yeeshay magaalada Kismaayo.
Gurguurte ayaa sheegay in mucaaradka aysan lahayn aragti siyaasadeed oo ku aaddan arrimaha doorashooyinka, sidaas darteedna ay caado ka dhigteen inay eedeyn u jeediyaan dowladdiisa.
Hadalka murtad Gurguurte ayaa imaanaya xilli shir maalmo qaatay ay magaalada Kismaayo ku yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ku jiraan madaxda maamul gobaleedyada Riddada ee Puntland iyo Jubbaland.
Shirkaasi ayey mucaaradka eedeymo xoogaan ugu jeediyeen murtad Xassan Gurguurte oo ay sheegeen inuu doonayo inuu qabto doorasho aanan heshiis lagu ahayn.
Mucaaradka Riddada ayaa shirkaasi ka sheegay inaysan marnaba aqbali doonin inay ka qeyb-galaan doorashada uu qorsheystay Gurguurte.