Ciidamada guutada Shabaabul Mujaahidiin ee ka jihaada wilaayada Banaadir waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus oo madaafiic ah ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee Hiilweyne oo kutaal waddada dheer ee isku xirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo degmada Balcad ee Sh/dhexe.
Howlgalka madaafiicda ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana xusid mudan in xilliga duqeyntu ay xerada ku sugnaayeen maleeshiyaad fara badan oo murtadiin ah, waxayna madaafiicdu ku dhaceen gudaha xerada.
Dhanka kale, ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Hiiraan waxay 2 qarax oo culus ku wareereen maleeshiyo murtadiinta oo ku sugnaa xaafadda Buunda-wayn ee magaalada Beledweyne, waxaana ku dhaawacmay hal askari oo murtad ah.