Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xiisad Ka Taagan Boorama Iyo Gaadiid Badan Oo Ku Xaniban Gorayo-cawl.
  • Allposts
  • Warar

Xiisad Ka Taagan Boorama Iyo Gaadiid Badan Oo Ku Xaniban Gorayo-cawl.

September 3, 2024

Xiisado siyaasadeed oo xooggan ayaa maanta ka taagan deegaanno ka tirsan gobolka Awdal ee dhaca waqooyiga Somalia, kaddib markii maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland ay xabsiga dhigeen xildhibaan murtad ah oo kasoo jeeda gobolkaasi.

Wararka Awdal laga helayo waxay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan oo ka gadoodsan xarigga Maxamed Abiib oo ah nin si wayn u mucaaradsan nidaamka Muuse Biixi ay maanta xirteen waddada isku xirta magaalooyinka Hargaysa iyo Boorama.

Muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya xiisadda ka taagan duleedka Boorame, maleeshiyaadka Maxamed Abiib taageersan ayayna mudo saacado ah gaadiid badan ku xannibanyihiin halka lagu magacaabo Gorayo-cawl ee dhacda duleedka magaalada sida ay ilo-wareedyo dhanka deegaanka ah soo sheegeen.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in maleeshiyaad kale oo taabacsan maamulka Muuse Biixi oo ku hubeysan gaadiidka nooca dagaalka ay iyaguna soo gaareen aagga gaadiidka lagu xiray, dadka rayidka ah ee waddadaas ku xayiran ayaa ka baqdin qaba in xiisadu isku beddesho gacan ka hadal oo uu iska hor’imaad dhexmaro labada dhinac ee kala taabacsan Muuse Biixi iyo Maxamed Abiib.

Dhinac kale muuqaallo iyo sawirro laga soo duubay magaalada Boorama ee xarunta u ah gobolka Awdal, ayaa muujinaya sida uu maanta u xiran yahay suuqa ganacsi ee magaaladaasi.

Muuqaallada qaar ee lagu faafiyay baraha bulshadu waxay muujinayeen gaadiid kuwa ciidanka ah oo ay leeyihiin maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka Somaliland oo lagu arkayay waddooyinka suuqyada magaalada, waxaana socda abaabulka dibad-baxyo ka dhan ah xarigga lagula kacay xildhibaanka u xiran maamulka Hargaysa.

Isniintii shalay uun ayay ahayd markii maamulka uu madaxa u yahay murtad Muuse Biixi Cabdi uu garoonka diyaaradaha ee Hargaysa ka xiray Maxammed Abiib oo ka mid ah xubnaha golaha dawaaqiidda ee maamulkaasi, ninkan ayaa ka mid ah xubnaha sida wayn mucaaradka ugu ah maamulka Muuse, xariggiisa ayaana kiciyay xiisadda siyaasadeed ee maanta ka taagan gobolka Awdal.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Maxamed Abiib Oo Hargaysa Lagu Xiray Iyo Mucaaradka Oo Ka Hor-yimid.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -30-02-1446-Hijri.

Related Stories

Dhagayso Andalus Podcast: Tarbiyada Ubadka Iyo Sheekh Cabdil-ilaah.
  • Allposts
  • PODCASTS

Dhagayso Andalus Podcast: Tarbiyada Ubadka Iyo Sheekh Cabdil-ilaah.

January 22, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 03-08-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 03-08-1447-Hijri.

January 22, 2026
Mucaaradka Oo Nairobi Uga Arinsanaya Shirka Ay Ku Dhawaaqday Kooxda Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Mucaaradka Oo Nairobi Uga Arinsanaya Shirka Ay Ku Dhawaaqday Kooxda Gurguurte.

January 22, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada