Xilli uu soo xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Xasan Gurguurte iyo Lafta-gareen ayaa labada dhinac waxay wadaan abaabullo ciidan.
Kooxda ridada Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay magaalada Buurhakaba geysay ciidamo horleh oo ka tirsan maleeshiyaadka Riddada, kuwaasoo laga qaaday magaalada Muqdisho iyo deegaano ka tirsan gobalka Bakool.
Ujeedka ciidamadaan ayaa ah in kooxda ridada Soomaaliya ay weerar ku qaado magaalada Baydhabo si meesha looga saaro Lafta-gareen.
Dhinaca kale maamulka Lafta-gareen ayaa dhinacooda iyagana wada abaabullo ay uga hortagaan maleeshiyaatka ridada
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maleeshiyaatka Laftagareen ay difaacyo ka qoteen banaanka magaalada Baydhabo, iyadoona xarumaha maamulkaasi ee gudaha magaalada Baydhabo ay la wareegeen ciidamada Itoobiya.
Warar soo baxayey shalay ayaa sheegayey diyaarad ay leedahay kooxda ridada Soomaaliya oo ciidan u waday degmada Waajid in shalay halkaasi lagu xabadeeyey kadibna ay kusoo dhacday garoonka magaalada Baydhabo, inkastoo kooxda ridada iyo maamulka ridada ee Koonfur galbeed ay beeniyeen.
Lama oga halka ay ku biya shuban doono xiisadaan, iyadoona labada dhinac midba midka kale uu doonayo inuu ka adkaado.