Waxaa sii xoogaysatay xiisad cusub oo ka taagan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, halkaas oo la sheegay in dadka deggaanku ay dareemayaan cabsi iyo walwal fara badan.
Ururka TPLF oo awood ku lahaa gobolkan ayaa u kala jabay garabyo iska soo horjeeda, taasoo la sheegay inay abuurtay hoggaan la’aan iyo jahawareer siyaasadeed.
Dawladda Xabashida Itoobiya waxay ku eedaysay Eraytariya inay taageerto TPLF, halka Asmara iyo TPLF ay labaduba beeniyeen eedeyntaasi.
Ciidamada federaalka iyo kuwa Tigrey ayaa la sheegay inay isku hor fadhiyaan xuduudda waqooyi ee gobolka, taasoo kicisay cabsida laga qabo inuu dagaal cusub qarxo.
Cabsida dagaalka ayaa la sheegay in ay sababtay in sicirka maciishaddu uu cirka isku shareero, gaar ahaan shidaalka, cuntada, iyo daawooyinka.
Dadka ayaa bilaabay inay keydsadaan cuntada, shidaalka iyo daawooyinka, iyagoo ka walaacsan dagaallo lagu riiqmo oo dib u bilowda deggaannadaasi.
Xaaladdan ayaa kusoo aadaysa xilli Abiy Axmed uu fagaareyaal badan ka sheegay baahida Itoobiya ay u qabto inay hesho marin badeed, taasoo Eraytariya ay si weyn uga hor-timid.
Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Abiy laga yaabo inuu arrinta badda u adeegsado inuu dareenka kaga leexiyo dhibaatooyinka gudaha, sida xiisadaha Oromada, Amxaarada iyo Tigrayga.