Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xiisado Ka Taagan Boosaaso Iyo Shacabka Oo Billaabay Inay Barakacaan.
  • Allposts
  • Warar

Xiisado Ka Taagan Boosaaso Iyo Shacabka Oo Billaabay Inay Barakacaan.

September 12, 2024

Xiisad colaadeed oo u dhaxaysa maleeshiyo ka wada tirsan maamulka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Puntland, ayaa ka taagan degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo ay isku hayaan maleeshiyo kala taabacsan murtad Siciid Deni iyo kuwa PSF loogu yeero.

Xiisadda ayaa timid markii taliska maleeshiyaadka ashahaada la dirirka ah ee PSF loogu yeero ay soo saareen warsaxaafadeed ay ku sheegayaan in maleeshiyo iyaga ka tirsan oo dhaawacyo qaba laga hor istaagay inay ka dhoofaan madaarka Boosaaso.

PSF waxay sheegtay in maamulka garoonka diyaaradaha ee degmada Boosaaso uu gacanta ugu jiro ciidamo iyo qole gaar ah, isla markaana uu noqday mid aan la isku hallayn karin, shaqada garoonka ayayna sheegeen inay joojiyeen, iyaga oo digniin u diray shirkadaha diyaaradaha sidoo kale waxay dadka shacabka ah ugu baaqeen inay halkaasi ka guuraan.

Xiisadda Boosaaso oo u muuqata mid dagaal isku beddeli karta ayaa durba waxaa magaaladaasi ka billowday barakac ay samaynayaan dadka deegaanka, maamulka ashahaada la dirirka ee isku magacaabay Puntland ayaana si wayn uga carooday barakaca xooggan ee ay billaabeen dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Masuuliyiin u hadashay maamulka Siciid Deni ayaa si adag uga hadlay barakaca ka billowday magaaladaasi, waxayna u goodiyeen gaadiidleyda ka howlgala magaalada Boosaaso, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay lacago ka sameeyaan colaadda waa sida ay hadalka u dhigeene.

Maleeshiyada daacadda u ah Siciid Cabdullaahi Deni iyo saraakiisha maleeshiyaadka ashahaada la dirirka ah ee PSF magacooda loo soo gaabiyo ayay horay dirir ku dhex martay gudaha magaalada Boosaaso, halkaas oo ay askar isaga dileen kuwa kalena ay isaga dhaawaceen, lama oga halka ay ku biyo shuban doonto xiisadaha markale kasoo cosboonaaday magaalo xeebaadkaasi.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -09-03-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -09-03-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -23-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -23-02-1447 Hijri.

August 17, 2025
Inka Badan 200 Askari Oo Ciidanka Abiy Axmed Looga Laayay Dagaallo Ka Dhacay Amhara.
  • Allposts
  • Warar

Inka Badan 200 Askari Oo Ciidanka Abiy Axmed Looga Laayay Dagaallo Ka Dhacay Amhara.

August 17, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 23-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 23-02-1447-Hijri.

August 17, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025

Sawirro

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada