War qoraal ah oo ay soo saareen Xildhibaanada ridada ee kasoo jeeda degmada Buurhakaba ayey kaga hadleen in ciidamada Kuffaarta Itoobiya ay ku milmeen siyaasada Koonfur-galbeed, iyagoona la saftay maamulka ridada ee Lafta-gareen.
Waxay sheegeen inay faragalin toos ah ku hayaan maamulka ridada ee degmada Buurhakaba, iyagoona warqaada dacwo ah u diray xaafiiska Midowga Afrika.
Ciidamada Kuffaarta Itoobiya ee ku sugan degmada Buurhakaba ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo ka waday gudaha magaalada, iyagoona amarka toos kaga qaadanaya maamulka Lafta-gareen.
maamulka ridada ee Koonfur-galbeed ayaa xayiraad kusoo rogay garoonka magaalada Buurhakaba, taas mucaaradka Koonfur galbeed ay sheegeen in shacabka magaalada laga hor istaagay inay garoonkaasi ka duulaan ama ama ay kasoo dagaan.
Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa sii xoogeysanayey khilaafka u dhaxeeya xildhibaanada mucaaradka iyo maamulka ridada ee Koonfur galbeed kaasoo sii xoogeystay wxii ka danbeeyey dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo.